Dowladda Soomaaliya Oo Soo Dhoweysay Xarigga Koloneyl Gabre

0

Iyadoo xabsiga la dhigay Col. Gebregziabher Alemseged balse dadka Soomaaliyeed u yaqaaniin Koloneyl Gabre, ayaa war ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Qoraal uu baahiyay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa tilmaamay inay dowladda federaalka ah la dhacsan tahay xabisga loo taxaabay Gabre, oo caan ka ah Soomaaliya.

Warka oo la soo dhigay tirsiga Twitter-ka ee Cabdin-nuur Maxamed Axmed ayaa lagu yiri. “Waa akhbaar wanaagsan in Itoobiya lagu xiray Koloneyl Gabre oo xumaan ku caanbaxay.  Waa nin muddo dheer ku lug lahaa oo faragelin iyo xasillooni-darro ku hayay Soomaaliya. Xariggiisu waxa uu muujinayaa sida ay Itoobiya uga go’an tahay deganaanshaha geeska Afrika”.

Koloneyl Gabre, tacadiyada loo heysto waxaa ka mid noqon kara xad-gudub xuquuqda Aadamaha iyo ku lugyeelashada dibadbaxyadii qalalaasaha watay ee ka dhigay meelo ay ka mid tahay magaalada Jigjiga.

Koloneyl Gabre oo hore u ahaa taliyihii ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya soo galay sannadkii 2007, ayaa mar kasta ku lug lahaa arrimaha gudaha balse bishii June ee sannadkan ayaa laga eryay la-talintii IGAD ee arrimaha Soomaaliya