DHAGEYSO:-Maxaa looga hadlayaa Shir Madaxeedka Afrika oo maanta Itoobiya ka furmaya ?

0

R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed (Khadar) Ayaa  maanta Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya Uga qayb galaayo shirka madaxda Africa oo Ka furmaayo Halkaasi.

Mahdi Maxamed Guulleed R/wasaare ku xigeenka dalka oo la hadalayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Shirkaan looga hadlayo Sidii dib u habeen loogu sameen lahaa midowga afrika, iyo sidii ay si wanaagsan u wada shaqeyn lahaayeen EU-da iyo Urur Goboleedka Qaaradda Afrika ee UA.