DHAGEYSO:-Dowladda Soomaaliya Oo La Wareegeysa Isbitaala Ku Yaalla Muqdisho

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dhawaan la wareegeyso Isbitaalo ku yaalla Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho,si loo hubiyo tayada Caafimaada ee dalka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay wado qorshayaal ay ugu yaraan kula wareegeyso laba Isbitaal oo ku yaala Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in kaliya muhiimada ay aheyd in la ansixiyo Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka si fowdad ay u yaraato,sidoo kalena ay dowladda awood u leedahay inay la wareegto Maamulka Isbitaalada qaar ee ku yaalla Magalada Muqdisho.