DHAGEYSO:-Cali Maxamed Geedi Oo Ku Baaqay In Shuruud La’aan La Xaliyo Khilaafka Dowladda & Dowlad Goboleedyada

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG ah aheyd xillii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ka codsaday in si shuruud la’aan ah ay ku xaliyaan khilaafkood.

Cali Maxamed Geedi ayaa dhawaan tegay Magalada Kismaayo,iyada oo Hogaamiyaha Jubbaland iyo mas’uuliyiinta kale ee Maamulkaas uu kala hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka dowladda iyo Maamulka Jubbaland soo kala dhex galay.

Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in tabashada ay qabaan Reer Jubaland uu dib ugu celin doono Madaxda Dowladda,isaga oo u Shaqeysanaya sida,Guddiga xalinta khilaafka ee Aqalka Sare iyo mas’uuliyiinta kale ee loo xil saaray.