DHAGEYSO:-Wasiir Beyle Oo Golaha Shacabka Hor-dhigay Miisaaniyadda 2019

0

Golaha shacabka oo kulankooda maanta ay soo xaadireen ilaa 155 xildhibaan ayuu wasiirka maaliyadda ee JFS Cabdiraxmaan Beyle hor-dhigay

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa ugu horeyntii waxaa uu xildhibaannada golaha shacabka u sharaxay miisaaniyadda 2019-ka, isaga sheegay inay noqon-doono $340 Milyan halkii sanadkii hore ka aheyd $274.6.

Mr. Beyle waxaa uu difaacay qoondada ku korortay caafimaadka iyo waxbarashada, oo tan hore ay ku korartay 6 Milyan halka waxbarashada oo lagu kordhiyey 4 Milyan oo iskuullo iyo Macalimiin ku bixi-doonta.