Booliska Kenya oo lagu eedeeyay in ay laaluush ka qaataan Shabaab

0

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Jimciyada Qurumaha ka dhaxeyso ayaa lagu sheegay in Booliska Kenya gaar ahaan kuwo joogo Magaalooyinka kaabiga ku haaya xuduuda ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan in Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya ka qaataan lacago laaluush ah si ay usii deeyaan.

 

Waxaana warbixintaan lagu sheegay in Qaramada Midoowe ay walaac xoogan ka qabto amaanka dalkaasi Kenya maadama sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska ee loo sooo diray sugida amaanka dalkaasi in ay iyagu taageerayaan waxa ay ku tilmaameyn argagxisada.
Waxa ay si gaar ah usoo qaateyn weerar dalka Kenya bishii Febraayo ka dhacay oo ay sheegeen in saraakiil Kenyan ah ay u ogalaadeen dagaalyahanada weerarka geystay ee Shabaab ka tirsanaa in ay gooyaan oo ay gudbaan xaduuda Kenya uu Soomaaliya la wadaago waxa ayna sheegeen in laaluush ahaan ay u qaateyn lacag gaareysa 2,000 oo lacagta Kenya ah.

 

Booliska Kenya sidaan oo kale ayaa horaan loo jeediyay eedeymo lamid ah kuwaani balse markaani Hay’adda Qaramada Midoowe ayaa si qeyxan u sheegaysa in cilaaqaad hoose oo laaluush qaadasho ku dhisan uu ka dhaxeeyo Booliska ka hortaga argagaixsada dalka kenya iyo Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.

 

Hase ahaatee Saraakiisha Booliska Kenya ayaa ku doodaya in Ciidamada Booliska dalkaasi ay hayaan howl adag oo ay dadalayaan ayna u suurtagashay in weeraro farabadan oo shabaab ay ku qaadeen dalkaasi ay ka hortageyn iyagoo tusaalle usoo qaatey Labbo dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan oo lagu kala magacaabo Cabdimajid Xasan Aadan iyo Maxamed Naane Cusmaan oo ay gacanta ku dhigeen Booliska ka hortaga argagixisada xili ay qorsheenayeen dagaal ay ka geystaan Magaalada Nairobie ee xarunta dalkaasi Kenya.