AKHRISO:- Degaamo Muhiim ah Gobolka Galguduud Oo Lagala Wareegay Kooxda Alshabaab

0

Maleeshiyaadka Ahlu-sunna wal jamaac oo kaashanaya Ciidamada milateriga federaalka ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab kala wareegay Deegaanka Gool-goole oo qiyaastii 85Km Koofur ka xiga Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada Hoggaaminaya ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in Dagaal kooban uu Halkaasi ka dhacay ka dib Maleeshiyaadku isku dayeen inay Deegaanka dib ugu soo laabtaan.

Wararka waxay intaas ku darayaan in maleeshiyaadkii Al-shabaab isaga baxeen Deegaano hor leh maadaama maleeshiyaadka Ahlu Sunnah oo goboladda dhexe xukuma ay ku sii wajahan yihiin.

Howlgaladaan ay iska kaashanayaan Ciidamada Ahlu sunna iyo kuwa milateriga federaalka ayaa ujeedkiisu yahay in Maleeshiyaadka looga xoreeyo Meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolka sida ay sheegeen saraakiisha ciidamadu

Dadka Deeganadaas ayaa waxa ay Ciidamada ka caawinayaan sidii ay u soo sheegi lahaayeen Meelaha Al-shabaab ay ku dhuumaalaysanayaan waana mida fududaysay in Saaka lagala wareego Deegaano hor leh.