AKHRISO:-Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo go’doomiyay degmada Beledxaawo

0

Al-Shabaab ayaa bilaabay inay go’doomiyaan degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo oo ka mid aheyd deegaanada ka caaganaa go’doominta Shabaabka ku soo rogeen deegaanada Gobolada Koofur Fureed

Wararka ayaa sheegaya in go’doomintan cusub ay jawaab u tahay amar ka soo baxay maamulka degmada oo looga saarayo gudaha degmada xaasaska ay qabaan ragga Shabaabka ka tirsan iyo carruurta Al-Shabaab.

Degmada Beledxaawo ayaa aheyd deegaanka kaliya ee Gobolka Gedo ay kaga sugnaayeen xaasaska iyo carruurta Shabaabka ay dhaleen.

Dadka deegaanka Beledxaawo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay si tartiib tartiib u bilaabeen inay go’doomiyaan degmada, iyadoo yaraaday wax kasta oo deegaanka uga imaanayay dhanka tuulooyinka.

Maamulka degmada Beledxaawo ayaa diiday codsi uga yimid odayaasha deegaanka oo ku aadanaa in laga laabto amarka lagu soo rogay xaasaska iyo carruurta Shabaabka inay isaga baxaan degmada, kaddib markii odayaasha ay la soo xiriireen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa markii lagu gacan seyray dalabkooda waxay bilaabeen inay cunaqabateeyaan degmada Beledxaawo, isla markaana wax walba oo u imaanayay ka jaraan.