AKHRISO: Dilkii khasoggi oo la sheegay inu ka dambeyey Amir Maxamed

0

Hay’adda ugu sarreysa sirdoonka Mareykanka ayaa rumeysan in dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu kasoo baxay amarka lagu dilay weriye Jamaal Laashugji.

Hay’adda ayaa sheegtay in aysan garanayn cidda dambiga geysatay balse ay filayaan in howlgalka noicaasi ah ee lagu dilay Jamaal uu ahaa mid uu qalinka ku duugay Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Dacwad ooge kuxigeenka Shalaan bin Rajih Shalaan oo Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay Riyaad ayaa sheegay in meydka Khaashuqji lagu dhex jarjaray qunsiyadda markii uu dhintay.

…” Hilbihii ayaa loogu dhiibay qof “shaqaale” maxalli ah, meel dibadda ah. Sawir gacmeedka qofka shaqaalaha ah ayaa la sameeyey, waxaana socda baadigoob lagu hayo halka hilbihiisa laga heli karo.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray..” Khaashuqji ayaa lagu duray cirbad sun ah, ka dib markii uu gacan ka hadal ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, 2dii Oktoobar.

Dowladda Sacuudiga ayaa beenisay eedeymaja ah in Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa qorshaha lagu dilay weriye Jamaal Khaashuqji.

Weriye Jamaal Khaashuqji ayaa 2dii bishii Oktoobar lagu dilay gudaha qunsuliyadda Istanbul welina illaa hadda lama helin meydkiisa.

Dowladda Turkiga ayaa weli ku adkeysanaysa in amarka lagu dilay weriye Jamaal uu kasoo baxay taliska ugu sareeyo Sacuudiga.

Gudaha dalka Sacuudiga ayaa looga tukaday meydka weriye Jamaal Khaashuqji salaatul qaa’ib.