Djibouti Oo Eritrea La Aadeysa Maxkamadda Adduunka Ee ICJ

0

Dalka Djibouti ayaa ka codsaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey inay ka taageeraan sidii loo xallin lahaa muran xuduudeedka kala dhaxeeya dalka Eritrea iyo inay dacwo ka furtaan maxkamadda cadliga ee International Court of Justice, haddii uu lagu guul-dareysto dhex-dhexaadinta iyo wada hadalka.

Ambassador Maxamed Saciid Ducaale, oo safiirka Djibouti  ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dalkiisa uu doonayo in xal kama dambeys ah loo helo khilaafka xadka ee kala dhaxeeyo Eritrea iyo in lagu kala baxo qaanuunka dowliga ah.

“Djibouti waxaa ay golahu ugu yeertay iyada oo kaashaneysa taageerada xogheyaha guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah, oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda cadilga adduunka ee ICJ” sidaasi waxaa sheegay Ducaale.

Sida uu qorayo qodobka 33 ee dastuurka UN-ka,  waxaa uu ogalaanayaa in dalalka muranka ka dhaxeeyo ay xal iyo qaab nabadeed u raadin karaan xuquuqdooda.

Arrimaha Djibouti ku doodeyso waxaa ka mid ahaa milkiyadda Jasiiradda Doumeira iyo 13 maxbuus oo weli lagu la’yahay gacanta Eritrea.