DHAGEYSO:-Wax-Garad Ku Dhaawacmay Shil Gaari Oo ka Dhacay Gal-Gaduud

0

Inta la Xaqiijiyey 4 Nabadoon Ayaa Ku Dhaawacantay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Gal-Gaduud Gaar Ahaana Inta U Dhaxeysa Degmooyinka Guriceel Iyo Balan-Bale Ee Gobolka Gal-Gaduud.

Odoyaasha Ayaa Ka Amba-baxay Degmada Guriceel Waxa Ayna Kusii Jeedeen Degmada Balan-Bale Ee Isla Gobolka Gal-Gaduud.

U Jeedka Socdaalka Nabadoonadaan Ayaa Ahaa In Ay Balan-bale Kaga Qayb Galaan Gogol Nabadeed Oo Lagu Dhameynayey Dagaal Beeleed Dhawaan Ka Dhacay Galbeedka Degmada Balan-bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud.