DHAGEYSO:-Deegaanka Soomaalida Oo Ka Hadlay Collaadda Mooyaale

0

Wali waxaa taagan dagaalladii qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ku dhex marayey magaalada Mooyaale ee dalka Itoobiya.

Waxaa shir degdeg ah isugu yimid golaha wasiirrada ee xukuumadda Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxaana shirkaasi markii uu dhamaaday ka dibba u safray xarunta dalkaas ee Addis Ababa madaxweynaha deegaanka Mustafe Muxumad Cumar.

Suurow Maxamed Cabdille oo ka tirsan golaha wasiirrada dowlad deegaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Mustafe Cagjar uu wadahadal dagaalkaas kala sameeyay Madaxda Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada.