DHAGEYSO:-Ciidanka Itoobiya oo Shacab ku laayay degmada Baardheere

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay ka dhaceen rabasho ay ku dhinteen dad Shacab ah oo Banaanbax sameynaayay.

Nabadoon Cali Yacquub Nuur oo ka mid ah waxgaradka degmada Baardheere ayaa  sheegay in ugu yaraan 4 qof ay dhinteen 6 kalena uu dhaawac soo gaaray ka dib markii ciidanka Itoobiya ay rasaas ku fureen dad kasoo horjeeday Gudoomiye cusub oo loo soo Magacaabay degmada Baardheere.