DHAGEYSO:-Amar markale lagu soo rogay Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed

0

Sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda maamulka Koonfur Galbeed Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna oo shir la qaatay qaar ka mid ah golaha Wasiiradda maamulka Koonfur Galneed ayaa Markale ku Amray in ay ilaaliyaan Hantidada dadweynaha.

Kulanka Waxaa looga hadlayay xaalada guud ee amniga Koonfur galbeed  iyo in wasaarad waliba wixii agab ah ay hayso, iyadoo qoraal ahaan ah u keenaan xafiiska Madaxweynaha KGS si xiligan kala guurka ah aysan u dhicin ku tagrifal awoodeed.

Qaar ka mid ah Wasiiradda maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo gudbiyay hantida iyo qalabka ay hayaan, waxaana ka tijaabiyay siihayaha xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.