Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Deegaan Ay Maamulayeen Al-Shabaab

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dagaal maanta ku dhexmaray Ciidanka Galmudug iyo Al-Shabaab degaano ka tirtsan degmada Guriceel gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay, tiro intaa kabadanna waa ay ku dhaawacmeen dagaalo saaka oo Jimce ah ka dhacay degaanka  Golangole oo qiyaastii 80 km koonfur uga beegan magaalada Guriceel .

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Galmudug oo ka baxay Guriceel ay weerareen degaanka Golangole oo ay joogeen koox ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka weerarka qaaday waxaa bilowgiiba u suurtagashay inay dagaal la’aan qabsadaan Golangole kadib markii kooxdii joogtay ay xeelad dagaal uga baxeen degaankasi.

Al-Shabaab ayaa dib usoo rogaal celisay waxaana dhacay dagaal inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen labo ka tirsan ciidanka Galmudug, waxaana Al-Shabaab u suurtagashay inay dib ula wareegaan Golangole.