Xaalad Deganaansho Ah Oo Laga Dareemayo Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud

0

Waxaa Maanta Xaalad Deganaanshiyo Ah Laga Dareemayaa Deegaano Dhaca Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud Oo Shalay Uu Ka Qarxay Dagaal U Dhaxeeya Labo Malleeshiyo Beelood Oo Wada Dega.

Dagaalkii Shalay Ugu Dambeeyey Ayaa Waxa Uu Ka Dhacay Nawaaxiga Deegaanka Kaxan-Dhaale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud.

Dagaalkaas Ayaa Waxa Ka Dhashay Khasaare Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac intaba Inkastoo Aan Tiro Ahaan Aan La Xaqiijin Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkaasi.

Mid Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Ayaa  Sheegay In Hadda Xaaladda Deegaanka Ay Degan Tahay Isla-markaana Aanay Jirin Wax Xiisad Colaadeed Oo Maanta Deegankaasi Ka Taagan.