DHAGEYSO:- Jubbaland iyo Alshabaab oo dagaal dhexmaray

0

Iyadoo horay dhowrjeer uu dagaal ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Jubaland qaybo kamid ah Deegaanada uu ka taliyo maamulaasi ayaa ciidamada Jubbaland ay sheegeen in dagaal saaka ay soo qaadeen Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo lahadlay Radio Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii saaka looga Adkaaday Al-Shabaab isla markaana ay gacanta ku dhigeen Hub.

Taliye ku ku xigeenka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in wali ciidamadu ay ku jiraan Baacsiga Firxadka Al-Shabaab ee saaka dagaalkaasi soo qaaday oo iska hor imaad uu dhexmaray ciidamada oo ku baxay iyo iyagoo dagaal kusoo ahaa Saldhiga Ciidamadaasi.