DHAGEYSO:-Hogaanka Saadka oo lagu eedeeyay in maamul xumo ay ka jirto

0

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Daahir aadan Cilmi Indho Qarshe oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay gaadiidka faraha badan ee maalman ku xayirnaa  Deegaanada ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Indha Qarshe ayaa waxaa uu walaac ka mujiyay ciidanka ku labisan dareeska Dowlada oo gaadiidka ku dhibaateeyo Deegaanada Gobalka Shbaeelaha Hoose, isagoona sheegay in arintaasi aan loo dul qaadan Karin.

Taliyaha ayaa waxaa uu  Hogaanka Saadka ku eedeeyay in maamul xumo ay ka jirto sida uu hadalka u dhigay.