DHAGEYSO:- Culumadda Somaliyeed oo ka hadlay khilaafka Dowlad gobaledyada & DFS

0

Kadib kulamo isdaba-joog ah oo ay Magalada Muqdisho ku yeesheen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka soo saareen bayaan ku saabsan khilaafka dowladda iyo Dowlad goboleedyada.

Kulamabadooda kidib Bayaan ay ay soo saareen oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa waxaa Warbaahinta u Akhriyay Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soomaaliyed.

1: Dhammaan Mas’uuliyiinta dalka,sida Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,waxaa waajib ku ah in ay ku dhaqmaan waxa alle uu faray oo ah inay sameeyaan wadatashi ku saabsan samatabixinta dadka Soomaaliyeed iyo in ay sidegan wax isku-dhaafsadaan.

2: Waa inay fuliyaan kana dhabeyaan dhaartii ay ku dhaarteen inay u Shaqeeyaan,Diintooda Dalkooda,dadkooda oo ay dadka hortooda ka balan qaadeen.

3:Waxaa Waajib ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in ay dadaal dheeri ah ku bixiso mideynta dhinacyada Siyaasadeed ee dalka ka jira,sida xukuumadda iyo Dowlad goboleedyada.