Al Shabaab oo Muuqaal ka soo saaray weerar lagu dilay Askar ka soo jeeda Burundi (DAAWO)

0

Xoogaga Al Shabaab ayaa todobaadkan soo saaray Muuqaal soconaya muddo hal saac oo ay uga hadlayaan Weerar dhacay labada bishii March, kaasi oo lagu beegsaday Askar ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika.

Weerarkan oo ka dhacay Duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Sh.Dhexe ayaa lagu qaaday Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Burundi.

Xoogaga Al Shabaab ayaa sheegtay in Weerarkaasi ay dileen ilaa 23 oo ka mid ahaa Ciidanka Burundi.

Waxaa sidoo kale ay shaaciyeen in ay weerarka ku burburiyeen 16 Gaari oo ay wateen Ciidanka.

Balse, Warsaxaafadeed ka soo baxay Militariga Dalka Burundi ayaa lagu beeniyay sheegashada Al Shabaab.

Taliska Ciidanka Burundi ayaa sheegay in Weerarkaasi ka dhacay Duleedka Balcad lagu dilay ilaa 5 askari oo ka soo jeeda Burundi.

Ciidanka lagu weeraray Duleedka Balcad ayee ku sheegeen in ay gargaar u sideen Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Dhexe.