AKHRISO:- Nabadoon Xalay lagu dilay Baladweyne

0

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii waxa ay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dileen Nabadoon Caanka ahaa Magaaladaas.

Nabadoonka ayaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Cismaan Yuusuf Ciiley,waxana xilliga la dilayay uu ka soo baxay Masjidka Alhuda ee Xaafada Howl-wadaag Magalada Baladweyne oo uu Salaadii Cishaha ku soo dukaday.

Qof ku sugan Magalada Baladweyne ayaa Allgalgaduud u sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoonka ay goobta ka baxsadeen,waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Baladweyne.