AKHRISO:- Nabadeyn laga dhex waddo beelo Galgaduud ku dagaalamay

0

Maanta ayaa waxaa loo balansan yahay in ladhamestiro dib-u-heshiisiin loo sameynayo labo Beelood oo walaalo ah kuwaas oo ku dagaalamay Deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Waxgaradka, Odayaasha iyo Nabadooda ayaa arrintan siddii loo dhameystiri lahaa ka shaqqeynaya kuwaas kusii jeeda goobta uu shirku ka dhacayo.

Deegaanka Hardhis oo Dhanka Koofureed kaxiga ee Deegaanka Balanbal ayaa waxaa dhacaya Shirka Beelahan lagu heshiisiinayo halkaas oo Odayaashu Gogasha u dhigeen labada dhinac.

Ciidanka Qalabka sidda qeybta 21-aad ayaa kala dhexgalay meeleeshiyada Dagaalamay kuwaas oo illaa iyo haatan dagan meelihii lagu dagaalamay.

Dadka dagaalamay ayaa ah reer guuraa kuwaas oo aanan kala fogeyn waxaana markasta oo qilaaf soo kala dhexgalo labaddan dhinac arrintu isku badashaa dagaal iyo gacan ka hadal balse hadda ayaa sidii arrintaas oo ladhmeyn lahaa waxaa ka shaqeynaya Dowlad Goboleedka galmudug iyo Waxgaradka kasoo jeeda Deegaanadaas.