AKHRISO:-47 jir ka mid ahaa raggii Weeraray Hotelka Saxafi

0

Ururka Al-Shabaab ayaa baahiyay Magacyadda qaar ka mid ah raggii Jimcihii lasoo dhaafay weerarka kusoo qaaday Hoteelka Saxafi ee Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa horay u baahiyay Magaca Axmed Aadan Mursal  oo ku magac dheeraa (Axmed Guduud) oo ahaa nin dhalinyaro ah oo kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Ninka labaad ayaa ahaa Mukhtaar Maxamed Ibraahim (Qeys) oo sidoo kale loo yaqaano (Saalax Salagle), Waxaa uu dhashay 1969, isaga oo Shabaab ku biiray 2011, da,diisa waxa ay aheyd 47 sano jir.

Saalax ayaa kasoo jeedda degmada Salagle ee gobolka Jubadda dhexe, waxaana uu ka mid ahaa raggii ugu da’da weynaa raggii weeraray Hoteelka Saxafi ee Muqdisho.

Ninkaan ayaa muddo ka tirsanaa Ciidamada Shabaab, isaga oo markii dambe go,aansaday ku biirista qaybta qaraxyada Shabaab.

Weerarkii dhacay Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa loo adeegsaday saddex gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo Hotelka lagu weeraray, iyadoo Shan nin oo Shabaab ah u suurageli wayday inay galaan Hotelka kadib markii la toogtay.