TOP NEWS:-Sirdoonka qaranka soomaaliya oo qabatay xubin ka mid ah daacish

0

Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay  nin ka tirsan Ururka Daacish, kadib hawlgal gaar ah oo ka dhacay  gobolka Banaadir.

Ninka la qabtay ayaa ka tirsanaa Waaxda dhaqaallaha Sidda ay sheegtay Hay’adda NISA.

NISA ayaa sheegtay hawlgalkan oo ahaa mid qorsheysan inuu dhacay 13 Bishaan, islamarkaana Ninkaan waqtiyo badan baadi goob iyo dabagal ay ciidamada ku hayeen.

“Ciidamada Amniga ayaa Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi Ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha, Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS” ayaa lagu yiri war kooban oo lasoo dhigay Twitterka NISA

Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, Ninka la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda federaalka.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda.

Ciidamada ammaanka ayaa hawlgalo qorsheysan habeenada qaar ka sameeya degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir.