SAWIRO:- Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir Oo Amar La Dul-Dhigay

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey shirkii Caasimadaha dalalka Islaamka ee uu kaga soo qeyb galay dalka Jabuuti, waxa uuna tilmaamay sida ay madaxdii uu kula kulmay shirkaas u boggaadiyeen dib-u-soo kabashada Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in uu kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Caasimadda Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, isagoo uga mahadceliyey soo dhaweynta walaaltinimo, isla markaana ku Casuumay Caasimadda ee dalka Muqdisho.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, arrimaha bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolka.