PM Abdi Farah Shirdoon (Saacid) Waa Halyeey Puntland/Somalia Baal-Dahab Kaga Qoran – Dadka ka baro. W/Q: Othman MJ Mahamud

0

Documents dhaxal-gal u ah reer Puntland oo aan ka soo saaray qolka kaydka cadaymaha wax-qabadka Puntland – Marag:

Warqada hoos idinkaga muuqata waa warqadii reer Puntland u soo dhicisay wax-qabad dhaxal-gal ah.

Waa warqadii Mudane Saacid baalka dahabka ka galisay jiritaanka Puntland/Somalia iyo xusuusta reer Puntland.

Waa warqadii (support letter) uu qoray Ex Prime Minister Abdi Farah Shirdoon ku taageeray kuna qeexay in Mashruuca Kuwait Fund ay bixinayso – Airport Garowe (Mohamed Abshir International Airport) iyo Jamacada Maakhir – lagu aamino lana soo mariyo Dawlada Puntland uu Mudane Abdirahman Sheikh Mohamed (Farole) Madaxweyne ka yahay, islamarkaasna ka codsaday Dawlada Kuwait iyo hay’ada Kuwait Fund in Puntland lagu taageero barnaamijkii/mashaaricdii kor u qaadista kaaba-yaasha dhaqaale ay dalbatay Dawlada Puntland 13/11/2010ka.

Waa warqadii mid la mida laga waayay, ka xasday Madaxweyne Dr. Gaas in uu u qoro Puntland xiligii uu Prime Minister-ka ahaa ee u dhaxaysay June/2011kii ilaa October/2012kii.

Islamarkaasna waa Warqadii Puntland laba sano ku dhawaad markay ka khasaartay (waa inta Dr. Gaas Prime Minister ahaa) – sugaysay in Federalka laga helo waraaq lifaaq garab istaagid ah mashaaricda dhisida kaabayaasha dhaqaalaha Kuwait ka dalbatay – ay noqotay tiisa in Prime Abdi Farah Shirdoon (Saacid) qoro March/2013kii markii xilka loo dhaarshay bil ka dib!!!

Waxaa kale reer Puntland abaal ugu hayaan Mashruuca dhisida Airporka Caasimada iyo Jamacada Maakhir Mudane – marka laga yimaado xukuumadii Dr. Farole hormuudka ka ahaa – Omar Haji Ali (Omar Gare).

Omar Gare wuxu ahaa ninka u qaabilsanaa Puntland xiriika Dawlada Kuwait iyo Hay’ada Kuwait Fund.

Fadlan Ilaali Xuquuqda Warqada Dahabka ah

W/Q. Othman MJ