DHAGEYSO:-Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Ku Noqoshada Miisaaniyadda 2018

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2018.

Ku noqoshada miisaaniyadda 2018 waxaa si wadajir ah usoo diyaariyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka.

153 xildhibaan ayaa ogolaaday, 2 xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo kulanka ka hadlay ayaa golaha shacabka ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay inuu golaha shacabka la wadaago arrimaha ku saabsan maaliyadda dalka.