DHAGEYSO:- Taliska Gobolka Geddo ee Dawlada Soomaaliya oo Amardiido ku sameeyey Hogaamiyaha Jubaland

0

Khilaafka udhaxeya Sarakiisha ciidanka dowlada somaliya ee g.gedo iyo m/weynaha jubland ayaa maraya meshii ugu xumayd kadib markii Madaxweynaha Jubbaland uu dhawaan garoonka diyaraha Kismaayo ka celiyey Sarkaal ay dawlada Soomaaliya u magacowday Taliskaasi.

Sarkaalkan u hadlay Ciidamada Dawlada Soomaaliya ee gobolka Geddo oo lagu magacaabo Cali Yacquub ayaa xili uu waraysi siinayey Radio Simba ee magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya wuxuu sheegay inaysan jirin wax wadda shaqayn ah oo xiligan kala dhexeeya maamulka Jubbaland si toosana ay u hoostagaan Madaxda dawlada Federalka Soomaaliya.