DHAGEYSO:- Nabadoon ka hadlay Doorashada Kuraas Degmada Jariiban oo lagu doortay Gaalkacyo.

0

Nabadoon Axmed Cali Shirwac oo kamid ah Waxgaradka degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay 3 Kursi oo degmada Jariiban laga dooran lahaa oo laga wareejiyey degmadasi ka dhacanay magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Axmed Cali Shirwac ayaa sheegay in Kuraastaasi ay xaq u lahayeen Musharaxiinta u Tartamayasa in doorashadeeda ay ka dhacdo degmada Jariiban isagoo sheegay in Fargalin Siyaasadeed lagu hayo degmada Jariiban oo aysan u madaxbanaanayn arimaha Siyaasada degmada.

Axmed Cali Shirwac ayaa wuxuu ka hadlay sidoo kale Xildhibaanada Puntland ee 2019 imaanaya iyo Madaxweynaha waxyaalaha ay ku dooranayaan.

Ugu danbayn Nabadoon Axmed Cali Shirwac ayaa Ugu baaqay madaxweynaha Cusub ee Puntland imaanaya 2019 in lagu doorto Dhowr Shuruudood uu isagu uu ka dhawaajiyey.