Dhambaal Tacsiyadeed:- Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuumad Caasha Cali Mataan Xaashi.

0

Dhambaal Tacsiyadeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa saaka ku geeriyootay magaalada Toronto ee dalka Canada Allaha u Naxariistee Marxuumad Caasha Cali Mataan Xaashi.

Dhamaan Bahweynta Allgalgaduud Media, Maamulka iyo Shaqaalaha, Anaga oo ka tiiraanyonayna geeridan naxdinta iyo xanuunka badan leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuumad Caasha Cali Mataan Xaashi, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa, Reer Cali Mataan Xaashi, gaar ahaan Duniyo Cali Mataan, Roodo Cali Mataan, Caruurti Marxuumada Sheekh Nuur, Liibaan iyo dhamaan asxaabtii ay ka baxday Marxuumad Caasha Cali Mataan Xaashi.

Waxaan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa in uu dhamaanteen samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuumad Caasha Cali Mataan Xaashi, waxaa sidoo kale aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuumad Caasha Cali Mataan Xaashi Janadii Fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

Waxaa Sidoo Kale  Dhambaal Tacisiyadeed oo midkan la mid ah diraya:

Reer Xaaji Ismaaciil Aw Maxamuud iyo Hooyo Khadiijo Cilmi Cali