DHAGEYSO:- Nabadoon ka hadlay Dagaalka dhacay Barigga Gobolka Galgaduud.

0

Nabadoon Cabdul Soofe Faarax Oo ka Mid Ah Wax-Garadka Dadaallada nabadeed ka Dhex-Wada Beelaha Ku Dagaallamay Galbeedka Degmada Balan-Bale Ayaa Sheegay In Weli Ay Taagan Tahay Cabsi Laga Qabo In Mar Kale Dagaalku Dib U Qarxo.

Nabadoonka Oo La Hadlay warbaahinta Ayaa Waxa Uu Xusay In Deegaanka Ay Isku Hor Fadhiyaan Labada Ciidan Mar Walba La Filan Karo Dagaal Mar Kale Ka Qarxa Deegaanka.

Waxa Uu Tilmaamay In Aysan kala Dhex-Gelin Labada Ciidan Balse Ay la Hadleen Odayaasha Iyo Wax-Garadka Ku Sugan Degmooyinka Dhuusa-mareeb, Cabdud-Waaq Iyo Guriceel Isla-markaana Ay Kala hadleen Sidii Dagaalkaasi Loo Joojin Lahaa.