QM Oo Cambaareysay Qaraxyadii Shalay Ee Muqdisho

0

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeyso afayeen u hadlay ayaa sheegay in ay aad kaga xunyihiin weerarkii shalay galab ee qaraxyada is xig xigay loo adeegsaday ee ka dhacay caasimada Soomaaliya.

Afayeenkaani oo magaciisa lagu sheegay Farhan Haq ayaa sheegay in Xoghaayaha guud ee Qaramada Midoowe  ka tacsiyeeyay dadkii soomaaliyeed ee ku dhintay iyo kuwii ku waxyeeloobay weerarkaasi  waxa uuna sheegay in QM ay dowladda dhexe ee soomaaliya  kala shaqeyn doonto la dagaalanka waxa uu ku tilmaamay kooxda argagixisada ah ee shabaab sida uu sheegay.

“Howlgalka Qaramada Midoowe ee Soomaaliya ayaa inoo soo gudbiyay warbixinta weerarkaani qaraxyada ku bilaawday waxaana ay inoo xaqiijiyeen in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay afaafka hore ee Hotel Saxafi deetana ay xigtay rasaas la maqlay iyo qaraxyo kale oo khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeedba geystay” ayuu yiri afayeenka u hadlay Qaramada Midoowe Farhan Haq.

Isla maalinimadii shalay ee qaraxu ka dhacay caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe Soomaaliya u qaabilsan Raisedon Zenenga, isagoo sheegay in ay garab taaganyihiin Dowladda Soomaaliya.

Waxa uuna sheegay in ay sii derdargelin doonaan taageerada dowladda dhexe si buu yiri looga hortago ama loo yareeyo weerarada shabaab ay ka geystaan Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo ay qaraxyo xoogaan ka geystaan