SAWIRRO:-Gaadiidkii ku xayirnaa Cadaado oo baaris lagu sameeyay

0

Maamulka degmada Cadaado iyo Ciidamo degaanka ah ayaa baaris ku sameeyay Lix gaari oo xamuul ah,kuwaasoo oo Magaalada Cadaado lagu xayiray 3 bishaan ka dib markii lagu tuhmay in ay sideen Hub.

Gaadiidkaan oo ahaa 6 gaari oo Xamuul ah ayaa kusii jeeday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana ay u rarnaayeen Qaramada Midoobey.

Maamulka degmada Cadaado ayaa horay u sheegay in Gaadiidkaan ay ka shakiyeen in uu saaran yahay hub loo waddo Magaalada Dhuusamareeb.

Gaadiidkaan ayaan wadin wax hub ah ka dib markii baaris lagu sameeyay, waxaana saarnaa gawaari iyo sidoo kale Siliga loogu tala galay in lagu xeyndaabo xarumaha Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey ayaa si weyn u cambaareysay tilaabadda lagu xayiray gaadiidka u rarnaa, waxaana ay ku tilmaamtay tilaabo ka baxsan Sharcig