DHAGEYSO:-Kulamo Siyaasadeed ka socda Baydhabo iyo Xildhibaano eedeeyay DFS

0

Kulamo kala duwan oo u dhaxeeya Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ,xubno ka socda Urur goboleedka IGAD iyo Musharaxiinta qaar ayaa wali ka socda Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Kulamaddan ayaa looga hadlaya sidii doorashadda Koonfur Galbeed ay ugu dhici laheyd si wanaagsan oo Musuq maasuq ka madax banaan.

Xubnaha ka socday Urur goboleedka IGAD ayaa ka codsaday Gudiga doorashadda in ay ka qabtaan doorasho Xalaal ah oo ay ku qanacsan yihiin Musharaxiinta xilka Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka oo Baydhabo ku sugan ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay wali faragalin ku heyso doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.