Shariif Xasan oo ugu dambeyntii Baydhabo ka dhoofay

0

Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed ee shalay xilka ka degay ayaa maanta ka dhoofay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shariifka ayaa kusii jeedda Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya,halkaasi oo uu saldhig ka dhigan doono tan iyo inta uu dib ugu laabanaayo Siyaasadda Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa Muddo Afar sano ah ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana uu ka mid yahay Siyaasiyiinta Sameynta weyn kulahaa Siyaasadda Soomaaliya,isagoo Mudo ka badan 15 sano aan meel uga bixin.

Shacab farabadan ,Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa kusii sagootiyay Garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada Baydhabo.