Shariif Xasan Oo Kulankiisii Ugu Dambeeyay La Qaadanaya Golaha Wasiirada

0

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed balse shalay Gelinkii dambe ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas ayaa Maanta kulankiisii ugu dambeeyay waxa u la qaadanayaa Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magalada Baydhabo ayuu kulanka ka dhici doonaa,waxaana xubno ku dhow dhow Shariif Xasan ay sheegeen in uu yahay kulanka mid dardaaran ah maadaama isaga uu xilka Madaxweynenimo uu baneeyay.

Xildhibaannada qaarkood ee Maamulka koonfur Galbeed ayaa kulankaas goobjoog ka noqon doona.

Xaalada Siyaasadeed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa isbedeshay kadib is casilaadii Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxaana doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ka harsan waxka yar 8 Maalmood,isla markaana ay dhici doonto 17-ka Bishaan.