SAWIRRO:-Wasiirka Difaaca Turkiga Oo Booqday Saldhiga Turkiga Ee Muqdisho

0

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca dalka turkiga oo booqasho ku jooga Magalada Muqdisho ayaa Maanta waxa ay booqdeen Saldhiga Weyn uu Turkiga ku leeyahay Magalada Muqdisho.

Booqashadaan ayaa Wasiirka Difaaca dalka  Turkiga Ulusi Akar waxaa ku wehlinayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed(Amar dambe) iyo Saraakiil kale.

Dhoolatus soo dhaweyn ah ayaa waxaa loogu sameeyay Gudaha Saldhiga Turkiga ee Muqdisho,waxaana ay warbixin ka dhageysteen Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Turkiga ee Saldhigaasi ku sugan.

Inta badan dhismaha uu ka kooban yahay Saldhiga ayuu wasiirka Difaaca Turkiga kormeeray,isaga oo Saraakiisha kula dardaarmay inay siiwadaan tababarka ay siiyana Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.