SAWIRO:- Dowladda Turkiga oo Somaaliya balanqaadyo u samaysay

0

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay oo ay kamid ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka, Badda iyo Cirka ee dalkaas oo muddo labo maalmood ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa galabta dib ugu laabtay dalkooda keddib wada hadallo miro dhal ah oo ay la yeesheen madaxda qaranka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii ay Muqdisho ku sugnaayeen waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna wada hadallo labo dhinacle ah la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay wada hadalladaas ayaa waxaa kamid ahaa in Dowladda Turkiya ay sii xoojinayso dadaallada ay uga qeyb qaadanayso dhishamaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiya oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.