SAWIRO:- Ciidamadda Dowladda oo Howlgalo Muqdisho xalay ka bilabay

0

Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Nadaafadda ayaa bilowday olole lagu aruurinayo Xoolaha sida sharci darrada ah loogu soo daaq-geeyo Waddooyinka Caasimadda.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa horey u soo saaray wareegto lagu mamnuucayo Xoolaha waddooyinka Caasimadda iska dhex jooga. Iyadoo la sameeyey Xerrooyinkii loogu talagalay oo lagu diyaariyey xannaanada ay xooluhu u baahan yihin.

“Ma aqbali karno in Waddooyinka Caasimadda ay iska dhex joogaan Xoolo, kuwaas oo dhibaato ku ah bilicda iyo nadaafadda Caasimadda, waxaan u sheegaynaa qof walba oo leh xoolahan inuu ka saaro magaalada, ciddii u hoggaansami waydana waxay waayi doontaa xoolahooda, sharciga ayaana lala tiigsan doonaa”.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in la diyaariyey xerooyinkii baadi qabadka, halkaas oo lagu xanaanayn doono xoolahan, isla markaana dadkii u hoggaansami waayay wareegtada ay waayi doonaan xoolahooda, laguna wareejin doono Ciidanka Qaranka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here