DHAGEYSO+SAWIRRO:-Booliska Somalia Oo Soo Bandhigay Maandooriye & Dad Lagu Soo Qabtay

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwan ka wadeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir kaas oo looga hortagay dadka sameeya waxyaabaha maanka dooriya.

Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga soo qabtay Maandooriye iyo dadkii sameynayay,kuwaas oo lagu soo bandhigay Xarunta Dambi-Baarista ee CID-da ee Magalada Muqdisho.

Waxyaabaha CID-da lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah Khamri sijileysan oo dhalooyin waaweyn ku jira Kontomeeye Jirikaan oo calaq la farsameeyay uu ku jiro,digsiyadii lagu sameeynayay iyo bala Dhalinyaro ah oo ku howlanaa sameyntooda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Axmed Maxamed ayaa sheegya in tan iyo burburki wixii kad ambeeyay ay bilaabatay in dalka la soo geliyo waxyaab ay ka mid yihiin Khamriga.

Hoos ka dhageyso codka