DEG DEG: Al Shabaab oo sheegtay Xildhibaan lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax gelinkii dambe ee maanta lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Maamulka Hirshabelle.

Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa ku dhintay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu qarxay Gaarigiisa oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa.

Qaraxan ayaa Boolsika Soomaaliya ay sheegeen waxuu ka dhacay Nawaaxiga Beerta Nabadda ee Degmada Xamar Weyne.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Xildhibaanka uu geeriyooday, balse ay wadaan baaritaano la xiriira Qaraxa uu ku dhintay Xildhibaanka.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada Qaraxii lagu dilay Xildhibaanka.

Sarkaal sare oo ka mid ah Xoogaga Al Shabaab ayaa u sheegay Warbaahinta ku hadasha afkooda oo lagu magacaabo ANDULUS in ay mas’uul ka ahaayeen Qaraxii lagu dilay Xildhibaanka.