AKHRISO:- Gollaha Musharaxiinta Koonfur Galbeed oo ku baaqay in dib loo dhigo doorashada

0

Golahan la magac baxay ,Golaha Is bedel doonka Koonfur Galbeed oo ay ku mideysan yihiin Musharaxiin iyo siyaasiyiin ayaa baaq kasoo saaray Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,soona dhaweeyay is casilaadii iyo tanaasulkii uu sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Golahan oo uu ka dhex muuqdo Musharaxiin uu kamid yahay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay inay si buuxda u aqbalayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna uu sii hayo xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxay ku baaqeen goluhu in lasoo dhameystiro xubnihii iska casilay Guddiga doorashada,xubno cusubna la horgeeyo Baarlamaanka si loo ansixiyo.

Sidoo kale Golaha ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo doorashada ,iyadoo la qiimeynayo maalmaha shaqada ee Guddiga doorashada ee hakadka ku jiray iyo duruufaha jito,isla markaana ay muhiim tahay in la abuuro jawi wanaagsan oo ay doorasho ku dhici karto.

Goluhu waxa ay tilmaameen in Wasaaradda Arrimaha Gidaha iyo Federaalka Dowladda Soomaaliya uu doorkeedu yahay kor joogtayn kaliya.

Golaha ayaa baaq u diray Beesha Caalamka ,iney ku garab galaan sidii doorasho daah-furnaan iyo dimoqraadi ah u dhici lahayd.