AKHRISO:- Ciidamadda Kenya oo Gawaari jirsiyeey Askar somaliyeed

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxa ay sheegayaan in Askari uu geeriyooday kadib markii uu dardaray gaari ay wateen ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada falkaan geystay ay yihiin Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Gobolka Jubbada Hoose.

Askariga oo kamid ahaa Ciidamada Jubbaland ayaa isla goobta ku geeriyooday, sida ay ku warameen dad goobjoogayaal ah oo xilliga uu falkaan dhacayay goobta ku sugnaa.
Lama garanayo sababta keentay in ciidamada Kenya ay

gaariga jiirsiiyaan askariga, balse muddooyinkaan ayaa waxaa sii kordhayay tacadiyada ay ciidamada AMISOM kula kacayaan dadka Shacabka ah.