WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Shariif Xasan oo is Casilay

0

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay ayaa sheegaya iin uu hadda ku dhawaaqay in uu tanaasulay iyadoo ilaa xalay Shariif laga sugayeey hadalkan maanta kaso yeeray.

Madaxweyne shariif ayaa maanta isugu yeeray Saxaafadda isago shaaciyeey gordhawayd in uu gabi ahaanba uu is casilay,waxaana uu ku wareejiyeey xilkii Guddoomiyaha barlamaanka.

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Guddaha dowladda Somaaliya ayaa gaaray ,kuwaas oo ujeedkoodu ahaa sidii shariif xasan lagu cadaadin lahaa in uu is Casilo.

Xaladda Magaaladda Baydhabo ayaa maalmahan waxaa kajiray Jahwareer siyaasadaysan oo inta baddan maalmo kahor is casileen Guddiga doorashooyinka mamulka Koonfur galbeed.

Dowladda Federaalka ayaa maanta sheegtay inaysan Marnaba macquul ahayn in dib loo dhigo doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur galbeed Somaaliya.