DHAGEYSO:- Afhayeenki Golaha Iskaashiga Dowlad gobaledyada oo Is Casilay

0

War Goordhow naga soo gaaray Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in uu si casilay Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada dalka ka jira Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sidoo kale waxa uu ahaa Wasiirka Dastuurka ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Is casilaada Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ahaana Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed ayaa ka dambeysay kadib is casilaada Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.