DHAGEYSO:- Xildhibaano ka hadlay dhacdo shacab lagu dilay

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed qaarkood ayaa Maanta wax ay si kulul uga hadleen dhacdadii shalay Ciidamada AMISOm ku dileen dadka Shacbaka ahaa.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in dad Shacab Ah oo aan waxba galabsan sibareer ah loo dio.

Waxa ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay AMISOM kala xisaabtanto dhibaatada dilka ah oo ay u geysatay dadka rayidka.

Xildhibaanada kala ah Mahad Salaad,Ubax Tahliil iyo Maxamuud Beene Beene ayaa siwadajir ah waxa ay u sheegeen in AMISOM dalka aysan u imaan in ay xaqiijiso amniga balse asyan u imaan in dadka rayidka ah ay disho,hayeeshee ay ka baxday qorshihii loo keenay.