DHAGEYSO:-Galmudug Garabka Cadaado Ku Sugan oo soo dhaweeyay baaqii Ka Soo Baxay Madaxweyne Farmaajo

0

Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubno ka tirsan Golaha wasiirada Galmudug garabka ku sugan Magaaladaas,iyaga oo kulankooda uga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Axmed Maxamuud Xasan Baasto oo dhawaan Xildhibaanada Galmudug Garabka Cadaado ay u doorteen Madaxweynaha Galmudug.

Kulanka ayaa Golaha wasiirada waxa ay soo dhaweeyay shirkii dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha soomaaliya ee loogu yeeray dowlad goboleedyada si xal looga gaaro khilaafka Madaxda Dowladda iyo Dowlad goboleedyada.