TOP NEWS:- Askari xalay lagu toogtay Baydhabo

0

Sida ay sheegayaan wararka Saaka inaga soo gaaraya magaalada Baydhabo, ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay nin ku hubeysnaa Toorey oo askari ka tirsanaa ciidanka dowladda ku dilay magaaladaasi.

Dilkan ayaa yimid kadib markii ninkan oo Toorey uu watay dhuunta kaga suray askariga oo meel fadhiyay, intaasi kadib ayuu dafay qorigii uu watay askariga, wuxuuna ku dhuftay Lix xabadood, taasi oo sababtay in askariga uu isla goobta ku geeriyoodo.

Ciidamada ammaanka oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan ninkan iyo qorigii uu askariga ku dilay.

Hay’adaha ammaanka ayaa ninkan ula dhaqaaqay mid ka mid ah xarumahooda baarista, waxayna ku wadaan baaritaano dheeraad ah oo la xiriira sababta uu falkan u geystay.

Warar aan helnay ayaa sheegaya ninkan inuu dhawaan ka yimid magaalada Boosaaso, balse ilaa hadda aan la ogeyn cida uu ka tirsan yahay.