DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Guddiga doorashiyina oo Codsi u jeedisay xisbiyadda

0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Yareey) ayaa Xisbiyada Siyaasadeed ee xilligaan dalka ka jira ugu baaqday inay ilaaliyaan Sharciga Xisbiyada.

Sharciga Xisbiyada ayaanan weli ansixin Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Golaha wasiirada Soomaaliya waxaana socda qorsho lagu dhameystirayo.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in xisbiyadu ay waajib ku tahay inay dhowraan Sharciga Asxaabta oo lagu dhisayo nidmaamka aas’aasiga ahaa ee Dowladnimo.