AKHRISO:- Amiir salmaan oo la kulmay wiluu khashoggi dhalay

0

Boqorka Sacudi Carabiya Boqor Salman iyo Amiir ka leh dhaxalka Boqortooyada Maxamed bin Salman ayaa la kulmay qaar ka mid ah qoyska iyo qaraabada Saxafigii la diley ee Jamal Khashoggi.

Qoyska reer Boqor ayaa kula kulmay Qasriga magaalada Riyadh wiilka uu dhalay Khashoggi ee Salah iyo walaalkiisa Sahel sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Sacudi Carabiya SPA.

Sida ay xaqiijiyeen warbaahinta Boqortooyada Sacudi Carabiya Amiirka iyo Boqorka ayaa ugaga tacsiyeeyay qoyska saxafigii la diley ee Jamal Khashoggi.

Kadib labo toddobaad oo ay boqortooyada Sacudi Carabiya beeninayeen in Khashoggi uu dhintey ayay sabtidii aynu ka soo gudubnay waxa ay qirteen in uu ku dhintey Jamal Khashoggi gacan kahadal ka dhex dhacay qunsuliyada Sacudiga ee magaalada Istanbul.

Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa ka dalbaday Sacudi Carabiya inay u soo gacan geliso dadkii ka dambeeyay dilka Khashoggi si maxkamad loogu saaro dalka Turkiga.

Warar aan la xaqiijin oo laga soo xigtey Sky News ayaa sheegaya in laga helay beer ku dhex taal guriga uu degenaa qunsulka Sacudiga u fadhiyay dalka Turkiga qeybo ka mid ah jirka marxuumkii la diley ee Jamal Khashoggi.